A theme of the age, at least in the developed world, is that people crave silence and can find none. The roar of traffic, the ceaseless beep of phones, digital announcements in buses and trains, TV sets blaring even in empty offices, are an endless battery and distraction. The human race is exhausting itself with noise and longs for its opposite—whether in the wilds, on the wide ocean or in some retreat dedicated to stillness and concentration. Alain Corbin, a history professor, writes from his refuge in the Sorbonne, and Erling Kagge, a Norwegian explorer, from his memories of the wastes of Antarctica, where both have tried to escape.
And yet, as Mr Corbin points out in "A History of Silence", there is probably no more noise than there used to be. Before pneumatic tyres, city streets were full of the deafening clang of metal-rimmed wheels and horseshoes on stone. Before voluntary isolation on mobile phones, buses and trains rang with conversation. Newspaper-sellers did not leave their wares in a mute pile, but advertised them at top volume, as did vendors of cherries, violets and fresh mackerel. The theatre and the opera were a chaos of huzzahs and barracking. Even in the countryside, peasants sang as they drudged. They don’t sing now.
What has changed is not so much the level of noise, which previous centuries also complained about, but the level of distraction, which occupies the space that silence might invade. There looms another paradox, because when it does invade—in the depths of a pine forest, in the naked desert, in a suddenly vacated room—it often proves unnerving rather than welcome. Dread creeps in; the ear instinctively fastens on anything, whether fire-hiss or bird call or susurrus of leaves, that will save it from this unknown emptiness. People want silence, but not that much. | mowduuc dhanka da'da ah, ugu yaraanna ka jira dunida hore martay, ayaa ah in dadku ay aad u jantaan sanqadh la'aan mana aha mid ay helayaan. Dhawaaqa taraafikada, sawaxanka aan kala go'a lahayn ee telefoonada, wargelinta electroonigga ee basaska iyo tareenada dhexdooda, TV-yada dhawaaqa dheer ee gurracan ee weliba ka dhex dhawaaqa xafiisyada aan cidina joogin, ayaa ah kuwo aan dhamaad lahayn oo dadka maan jeediya. Cunsurka bani'aadmiga ayaa ah mid isku daaliya sawaxan haddana doonaya baddalka sawaxanka—ha noqoto miyiga, badda ballaaran ama meel jawigeedu deggan yahay oo loogu talo galay miyir-qab iyo maan-deggan. Alain Corbin, oo ah bare sare ee cilmiga taariikhda, ayaa wax ka qoray xaaladdiisii qaxootinimo markuu ku sugnaa Sorbonne, ayadoo Erling Kagge, oo ah dalmar u dhashay Noorwey, uu wax ka qoray xusuusqorradiisa ku saabsanaa wasakhda Antartica, halkaasi oo ay labaduba isku dayeen in ay ka baxsadaan. Haddana, sida uu Mudane Corbin ku tilmaamayo qoraalkiisa "Taariikhda Aamusan", sida ay u badan tahay ma jiro sawaxan ka badan kii hore u jirey. Ka hor isticmaalka taayarrada hawada lagu buuxiyo, waddooyinka magaalooyinka ayaa waxa ku badnaa dhawaaqa dhago-daloosiska ee shaagagga birta lagu adkeeyey iyo qafisyada birta ee qoobabka fardaha ee dhagaxa dul mara. Ku kaliyoobidda aan la isku khasbin ee ku hadalka telefoonka ka hor, basaska iyo tareenada ayaa la buuq dhaafayey wada-sheekeeysiga dadka. Dadka iibiya joornaallada wararka sida ugama aysan tegi jirin alaabadooda ayagoo dul saar saaran sawaxan la'aan, laakiinse waxa ay ku xayeysiisan jireen cod dheer, sida ay sameyn jireenba dadka iibiya miraha jeeriga, miraha loo yaqaano "violets" iyo kalluunka waaweyn ee "mackerel" oo laga helo waqooyiga badda Atlaantiga. Tiyaatarka iyo riwaayadaha ayaa ahaa kuwo foowdo ah oo ay ku dheehan buuq taageero sita iyo sawaxan foowdeysdan. Xitaa dhulka miyiga, muruq maalka saboolka ah ayaa ahaa kuwo heesa ayagoo qabanayey shaqooyin ad-adag oo aan isbaddal iyo xiisoba lahayn. Maantase maba ay heesaan. Waxa is baddalay inta badan ma aha heerka sawaxanka, kaasoo qarniyadii la soo dhaafeyba ay ka cawdeen, laakiin waa heerka maan jeedinta, kaasoo buuxiya meelaha sawaxanku uu ku bato. Waxa kale oo soo fool leh marin habow, maxaa yeeley marka maan jeedsashadu ay badato—gunta jiq ama ay dhireysan, lama degaanka bannaan dhexdiisa, gudaha qol si lama filaan ah looga huleeley—inta badan waxa uu noqdaa niyad jab halka uu ka ahaan lahaa mid la soo dhaweysto. Cabsi ayaa soo gasha; dhegta ayaa si lama filaan ah isaga oodda wax waliba, ha ahaado dhawaaq ololka dabka ama sanqad shimbireed ama dhawaaqa caleemaha, kuwaasoo ka reeba cidlada aan la dareemeyn. Dadku waxay doonayaan shanqar la'aan, laakiinse aan aheyn mid tiro badan. |